Isku xirrada

War

DKMG oo Joojisay Kulamada Baarlamaanka


DKMG oo Joojisay Kulamada Baarlamaanka

DKMG oo Joojisay Kulamada Baarlamaanka

Dhinaca kalena, Gudd. ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Somalia ayaa sheegay inuu magacaabay Gudd. Doorashada ee Guddoonka Baarlamaanka

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Dowladda Federalka KMG ee Somalia, Cabdisama Macallin Maxamuud oo maanta shir jaraid ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in muddo 4 toddobaad ah ay hakiyeen shaqadii howlka Barlamaanka sababo ammaaanka xildhibaanada la xiriira awgood.

Dhinaca kalena, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Somalia Axmed Dhimbil Casoowe ayaa sheegay inuu magacaabay Guddiga Doorashada ee Guddoonka Baarlamaanka oo muddo bil ah ku qabanaya doorashada guddoon cusub oo Baarlamaanka Somalia yeesho.

Warbixin shirkaas jaraa'id ku saabsan iyo wareysi uu Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanku uu Idaacadda VOAda siiyey, qeybta hoose ka dhageyso.



XS
SM
MD
LG