Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wasiir Eedeeyay Shaqaalaha UN-ka Nairobi


Wasiir Eedeeyay Shaqaalaha UN-ka Nairobi
Wasiir Eedeeyay Shaqaalaha UN-ka Nairobi

C/kariin Xasan Jaamac ayaa sheegay in qaar ka tirsan shaqaalaha QM ee xafiiska Nairobi ay faragalin ku hayaan shirka wadatashiga Somalia.

C/kariin Xasan Jaamac, wasiirka warfaafinta iyo Boostada iyo isgaarsiinta ee DKMG ayaa ku eedeeyay qaar ka tirsan shaqaalaha ajaanibta QM ee Somalia ee xafiiska Nairobi faragalin ku saabsan shirka wadatashiga ee lagu wado inuu dhawaan ka dhaco gudaha Somalia.

C/kariin, wuxuu sheegay inay jiraan ajandayaal iyo howl ay wadaan shaqaalahan oo ku saabsan cidda ka qeybgalaysa iyo waliba meesha lagu wado in shirka lagu qabto, wuxuuna sheegay in faragalintan ay tahay mid aa la aqbali karin, go'aanka iyo hannaanka shirkana ay u taallo madaxda Soomaalida. Wasiirku wuxuuna hoosta ka xariiqay in shirka wadatashiga ee arrimaha Somalia lagu qaban doono magaalada Muqdisho bartamaha bisha Ausgut.

C/kariin Xasan Jaamac, wuxuu sidoo kale ka hadlay shir madaxda urur goboleedka IGAD ay ka yeelanayaan arrimaha Somalia, kaasoo uu sheegay inuu dabo socdo shir ay wasiiradda arrimaha dibedda ee dalalka IGAD dhawaan yeesheen kaaaso lagu soo dhaweeyay heshiiskii Kampala.

XS
SM
MD
LG