Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mucaaradka Syria oo Xoms ka baxay


Dagalyahanada Mucaaradka Syrian ayaa sheegay inay isag baxeen degmada hareereysan ee Baba Amr ee magaalada Xoms, ka dib markii ay la kulmeen ciqaab, ay muddo bilk a badan ku hayeen degmada ciidmada madasweyne Bashar al-Assad.

Iyagoo isugu yeeray Guutada kacdoonka Baba Amr , ayey mucaaradka khamiistii shalay sheegeen inay degmada uga baxayaan si ey u badbaadiyaan nolosha 4 kun oo dad rayid ah oo ku adkeystay inay guryahooda joogayaan.

Waxey sheegeen in dib ugurashadan xeeladeysan inuu muujinayo xaaladda bani aadnimo eek a sii dareysa, cunno la’aan, biyo la,aan koronto la’aan, isgaarsiintii oo go’an iyo hubkii oo iyaga ku yaraaday.

Madaxweynaha Faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa sheegay in laba wariye oo u dhashay Faransiiska oo ku dhex go’doonsanaa Baba Amr maalmo laga soo saaray iyagoo bad qaba, lana geeyay dalka deriska la ah suuriya ee Lubnan

Isagoo ka hadlayay magaalada Brussels, oo uu booqasho ku joogo ayuu Mr. Sarkozy sheegay in labada wariye uu taleefanka kula hadlay, isla markaana uu faransiiska u dirayo diyaard dalkooda dib ugu celisa.

XS
SM
MD
LG