Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kooxda Shabaab oo Beddeshay Xeeladaha


Faaqidaadda: Midowga Al-Shabab iyo Al-Qaacida
Faaqidaadda: Midowga Al-Shabab iyo Al-Qaacida

Al-Shabaab, waxa ay iminka u muuqdaan inay xeeladahooda dagaal beddeleen, lana yimaadeen xeelado kale oo weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, markii laga saarey magaalooyin waa weyn.

Kooxda Al-Shabaab, waxa ay sanadihii tagay dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Amisom ee taageeraya ee dalka jooga.

Inkasta oo magaalooyin badan laga saaray Al-Shabaab, laba sano ee tagtay, dad bandanna ay rumeysnaayeen inay u dhowdahay in kooxda laga adkaan doono, ayaa haddana waxaa muuqata in sanadkan ay dib usoo laba kalceysay kooxda.

Al-Shabaab, waxa ay iminka u muuqdaan inay xeeladahooda dagaal beddeleen, lana yimaadeen xeelado kale oo weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, markii laga saarey magaalooyin waaweyn.

Si kastaba, dadka dadka ka faallooda arrimaha Militariga ayaa waxa ay qabaan inay jirto isku xirnaan, kala amar qaadasho iyo mukhaabaraad adag oo ay wali kooxdu ay lee yhiin, taasi oo u sahleysa inay geystaan weeraro khasaare leh oo ay la eegtaan goobo muhiim ah.

Sahra Cabdi Axmed, ayaa arrintan warbixin ka diyaarisay.

Warbixin: Al-Shabaab iyo Xeeladaheeda
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:30 0:00

XS
SM
MD
LG