Isku xirrada

Wareysi: Xaaladda Qaxootiga ku Nool Xerada Dhadhaab


Maanta waxaa dunida laga xusayaa maalinta caalamiga ah ee Qaxootiga, xilli maalin walba rabshadaha ka jira dunida ay ku barakacaan boqolaal qoys.

Hay’adda QM u qaabilsan Qaxootiga ee marka la soo gaabiyo la yirahdo UNHCR ayaa aaminsan in haatan la joogo waqtigii loo muujin lahaa madaxda dunida in mujtamaca adduunka ay la jiraan Qaxootiga.

UNHCR waxa ay maanta billaabeysaa farriimo ay dadku saxiixayaan oo ku socda dowladaha kuwaa oo faraya in laga wada shaqeeyo daryeelka qaxootiga.

Meelaha ay qaxootiga ugu badan muddada dheer ku nool yihiin waxaa ka mid ah xerada Dhadhaab ee dalka Kenya oo ay ku noolyihiin in ka badan 300 oo kun oo qaxooti Soomaali ah.

Ruqiyo Cali Raage waa guddoomiyaha Xerada Qaxootiga ee IFO ee Dhadhaab, wariyeheenna Jamaal Axmed Cusman ayaa ka wareystay xaaladda qaxootiga xeradaas.

XS
SM
MD
LG