Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Weerar ka Dhacay Suuqa Bakaaraha


Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo maraya Suuqa Bakaaraha meel ku dhaw qeybta Cabdalle Shideeye ayaa kooxo aan la aqoonsan waxa ay gaarigii ay saarnaayeen ku weerareen Bam-gacmeed .

Ciidamada laweerayay ayaa qaraxa kaddib waxa ay fureen rasaas xooggan,waxaana weerarkaasi inta la xaqiijiyay ku dhaawacmay laba ruux oo rayid ah.

Kooxihii weerarka geystay ayaa goobta kabaxsaday.

Dhinaca kalena xalay ayaa Mootada 3-da lugood leh oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay waxa ay ku qaraxday waddada warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Sida ay ciidamada amaanku sheegeen waxaa ku geeriyooday ninkii wadaha ka ahaa oo kaliya, Waxaana qaruxu uu yimid markii askartu ay isku dayeen in ay soo qabtaan, kadib markii sida la sheegay ay ka warheleen in Bajaajtani ay walxaha qarxaa ku raran yihiin

XS
SM
MD
LG