Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Nicholas Kay Oo Ka Tagay Somalia


Nicholas Kay
Nicholas Kay

Kay ayaa sheegay inuu aaminsanahay in Soomaaliya labadii ilaa saddexdii sano ee lasoo dhaafay ay samaysay horumar siyaasadeed oo ballaadhan.

Waxaa shalay magaalada Muqdisho ka ambabaxay ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM ee Soomaaliya Nicholas Kay oo waqtiga shaqadiisu ku egtahay maalinta Khamiista ee toddobaadkan.

Kay oo wareysi gaar ah siiyey idaacadda VOA isaga oo ku sugan Nairobi, ayaa ammaanay guulaha ay dawladda Soomaaliya ka gaadhay dhinaca hirgelinta nidaamka federaalka iyo in Al-Shabab laga riixo dhul badan oo ay horey u haysteen.

Kay waxa kale oo uu sheegay inuu aaminsanahay in Soomaaliya labadii ilaa saddexdii sano ee lasoo dhaafay ay samaysay horumar siyaasadeed oo ballaadhan iyo horumar dhinaca amniga ah oo macquul ah.

Waxa uu yiri inuu aad ugu niyadsanyahay in sannadka 2016 lagu waajahayo dardar aan cidina horistaagi karin oo ay Soomaaliya ku hananayso xasillooni siyaasadeed iyo mid amni.

Haaruun Macruuf ayaa warreystay Nicholas Kay. Hoos ka dhageyso labada qeyb ee wareysiga, oo midka koowaad uu soo jeedinayo Xuseen Barre Aadan, kan labaadna Axmed Cali Sheekh iyo Haaruun Macruuf.

Wareysi: Nicholas Kay
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:51 0:00
Qeybta labaad ee wareysiga Kay
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:37 0:00


XS
SM
MD
LG