Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaa Kasoo Baxay Shirkii Brussels?


Abdi Aynte
Abdi Aynte

Wasiirka Iskaashiga iyo Qorshaynta Caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Caynte, ayaa VOA-da uga warramay waxyaabihii kasoo baxay shirkii qaxootiga Soomaalida ee Brussels.

Magaalada Brussels waxaa maanta ka furmay shir looga hadlayo ururinta kaalmo dhaqaale oo ujeedada laga lee yahay ay tahay sidii dawladaha caalamku ay gacan uga gaysan lahaayeen dhaqaalaha laf-dhabarta u ah dib-u-celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalalka dariska la ah Soomaaliya , gaar ahaan kuwa iskood u doonaya in ay dib ugu noqdaan dalkooda hooyo.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, xubno ka tirsan Golaha wasiiradda iyo sidii kaloo wakiilo ka socda UNHCR, Qaramada Midoobay, Midowga Yururb, AU, IGAD iyo madax ka socota dalalka Kenya, Ethiopia iyo Uganda.

Shirka ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban dhowr qodob oo ka hadlaya natiijada shirka.

Wariyaha VOA ee London, Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa waxaa uu khadka taleefanka kula xiriiray wasiirka Iskaashiga iyo Qorshaynta Caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Caynte, oo uu wax ka weydiiyey waxyaabaha shirkaasi looga hadlay iyo war-murtiyeedka kasoo baxay.

Wareysi: Cabdiraxmaan Ceynte
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:52 0:00

XS
SM
MD
LG