Isku xirrada

War Deg-Deg ah

EU-da Oo Lacag Ugu Deeqaya Qaxootiga


Lixdankan Million ayaa waxaa lagu bixin doonaa laba dhinac oo muhiim ah, sida is-dhex galka qaxootiga iyo dadka gudaha dalka ku bara kacay iyo qaxootiga ku sugan dalka Kenya.

Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqaya in 60 Million oo lacagta Euro-ga ah uu ugu yaboohey Qaxootiga Soomaalida, shir heer wasiir ah oo ka socda magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Wakiilka sare ee midowga Yurub ee arrimaha dibadda iyo siyaasadda ammaanka Federica Mogherini iyo gudoomiyaha Midowga Yurub ee xiriirka caalamiga ah Neven Mimica ayaa ku dhawaaqi doona taageeradan la siinayo qaxootiga Soomaalida ah ee ku kala sugan Somalia iyo Kenya.

Lixdankan Million ayaa waxaa lagu bixin doonaa laba dhinac oo muhiim ah. 50 Million ayaa ugu horeyn lagu bixinayaa in lagu caawiyo isdhexgal loo sameeyo qaxootiga iyo dadka gudaha dalka ku barakacay ee ku sugan Somalia, iyadoo laga kaalmeynayo adeegyada lagama maarmaanka ah, marka ay noqonayaan.

Lacagtan ayaa waxa ay si gaar ah u kaalmeyneysaa dadka doonaya in ay iskood u noqdaan gaar ahaana kuwa jooga Kenya, Yemen iyo Yurub.
10 Million oo kale ayaa iyadana lagu bixinayaa sidii ay dowladda Kenya gacan u siin laheyd qaxootigan, si kaalmo iyo fursado xaga nolosha ah loo siiyo kuwa aaney u suurtagalin in ay dalkooda dib ugu noqdaan.

Waxaa kale oo lacagtaas lagu caawin doonaa bulshooyinka ku nool deegaanada martigalinaya qaxootigan iyadoo shaqooyinka iyo wacyi gelinta laga caawinayo qaxootiga iyo dadka ku nool deegaanada ay qaxootigan degeen.

XS
SM
MD
LG