Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Maareeye oo ka Hadlay Qaraxii SYL


Maareeye
Maareeye

Ugu yaraan 22 qof ayaa ku dhimatay 30 ka badanna wey ku dhaawacmeen weerar loo adeegsaday gaari oo maanta ka dhacay hotelka SYL ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa waxa ay dhaawacyo fudud ka soo gaareen wasiiro, xildhibaano iyo wariyeyaal hotelka ku sugnaa.

Wasiiradaa waxaa ka mid ahaa, WasiirkaWarfaafinta, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Dakadaha iyo Gaadiidka Badda, Nuur Faarax Xirsi, iyo Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Maxamed Cali Xagaa.

Wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan ayaa khadka taleefanka kula xiriiray wasiirka Warfaafinta dowladda Somalia Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, wuxuuna ugu horeyn weydiiyay sida ay wax u dhaceen.

Maareeye oo ka hadlay qaraxa
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:10 0:00

XS
SM
MD
LG