Isku xirrada

Wareysi: Hooyo ku Dhex Umushay Markab


VOA-da, ayaa waxaa u suurta gashey in ay wareysi la yeelato hooyo Raxma, oo ku dhex umushay Markab ay lee yihiin ciidmaada badda ee dalka Jarmalka, xilli uu bad-baadinayey dad tahriibayaal ah.

Midowga Yurub ayaa dhawaan sheegey in ay howlgalkooda ka dhanka ah dadka muqalisiinta ah ee dadka tahriibiya oo billaabanaya toddobada bishan October ay ugu magac dari doonaan Sophia.

Sophia ama Safiya, waa gabar yar oo Soomaali ku dhex dhalatey Markab ay lee yihiin ciidmaada badda ee dalka Jarmalka, xilli uu bad-baadinayey dad tahriibayaal ah.

Hooyada dhashay Safia, waxaa lagu magacaaba Raxma Abuukar Cali, waxaana ay hadda ku nooshahay xero qaxooti oo ku taalla dalka Jarmalka.

VOA-da, ayaa waxaa u suurta gashey in ay wareysi la yeelato hooyo Raxma, oo ka sheekeneysa sidii ay uga soo baxday Muqdisho, illaa socdaalkeeda dalka Jarmalka oo iminka ay ku sugan tahay.

Falastiin Axmed Iiman, ayaa warreysatay Raxma, ayada oo marka ugu horreysana weydiisey sababta ku qasabtey in ay soo tahriibto.

XS
SM
MD
LG