Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Australia: Soomaali Meydkiisa La Helay


Cabdullahi Maxamed Cigaal, ayaa la la'aa tan iyo bishii May ee sanadkan, waxaana ay taasi abuurtay su'aalo badan oo weli aan laga jawaabin.

Ciidamada booliska ee magaalada Perth ee dalka Australiya, ayaa xalay ka helay magaaladaasi meydka nin Somaali ah oo lagu magacaabi jirey Cabdullaahi Maxamed Cigaal oo 26 jir ah.

Meydka Cabdullaahi oo la la’aa tan iyo bishii May ee sanadkan, ayaa waxaa booliiska ay kasoo qaadeen meel duur ah oo loo maleynayo in lagu dilay, , sida uu VOA u sheegay Cabdullaahi Maxamuud Cumar (Garfiiq) oo ah suxufi jooga magaalada Perth.

Lama garanayo illaa iyo hadda cidda ka dambeysay dilka Cabdullahi, balse gabar la dhalatay oo lagu magacaabo Naciimo Cigaal ayaa warbaahinta Canada u sheegtay in booliiska ay mar hore u sheegtay in walaalkeeda la dilay, balse aysan dhageysan.

Booliiska ayaa sheegay inay wadaan baaritaanno la xiriira arrintan, ayna soo saari doonaan warbixin buuxda oo ku saabsan dilka Cabdullahi Maxamed Cigaal.

Dilka Cabdullaahi ayaa naxdin ku beeray Soomaalida Australia, waxaana arrinta ugu weyn ee dadka ay hadal hayaan ay tahay in meydka Cabdullaahi la la’aa muddo ku dhow shan bilood.

XS
SM
MD
LG