Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Ehelka Dadkii Lagu Dilay Doolow


Gedo, Somalia
Gedo, Somalia

Deerow Cabdulle Casuus, oo jooga deegaanka Geedweyne ee gobolka Gedo, oo VOA-da la hadlay, ayaa sheegay inuu dhalay mid ka mid ah ragga la dilay.

Laba habeen ka hor, ayaa xabsiga Dooloow ee gobolka Gedo lagala baxay afar qof, oo mid ay tahay dumar, kuwaasi oo kadib la dilay.

Maamulka Dooloow oo VOA la hadlay, waxay sheegeen in dadkaasi ay ahaayeen saddex qof, oo aysan jirin wax dumar ah, islamarkaana ay xiriir la lahaayeen Al-Shabaab.

Haddaba, Deerow Cabdulle Casuus, oo jooga deegaanka Geedweyne ee gobolka Gedo, oo VOA-da la hadlay, ayaa sheegay inuu dhalay mid ka mid ah ragga la dilay, oo uu magaciisa ku sheegay Aadan Deerow, laba kalena uu adeer iyo awoowe u ahaa.

Waxa uu beeniyey inay wax xiriir ah la lahaayeen Al-Shabaab, waxa uuna sheegay in lagu dilay gardarro iyo caddaalad darro.

Axmed Cali Sheekh oo Washington jooga ayaa qadka teleefonka kula hadla waxa uuna wax ka weydiiyey sida ay wax u dhaceen.

Wareysi: Dilkii Doolow
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:14 0:00

XS
SM
MD
LG