Isku xirrada

War Deg-Deg ah

UK: Booliska oo Baaraya Xildhibaan La Diley


 Jo Cox
Jo Cox

Booliska dalka Britian ayaa baaraya dilka haweeney ka tirsaneyn baarlamaanka dalkaasi, taas oo shalay (Khamiis) la dilay xilli ay ka soo baxdey xafiiskeeda.

Dilka xildhibaannada Jo Cox, ayaa imaanaya iyadoo uun hal isbuuc ay ka harsan tahay ka hor inta aysan Ingriisku u codeyn doodda kulul ee ku aaddan afti loo qaado haddii Britan ay ka baxeyso midoga Yurub iyo in kale.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qofka dilay Jo Cox uu ku qeylinayay Britain First (Britain ayaa Kow ah) kaas oo tooreeyay haweeneydaasi 41 jirka aheyd.

Cox oo aheyd hooyo laba caruur ah leh, ayaa si weyn loogu yaqiin u doodidda qaxootiga Siiriya iyo dadka soo galootiga ah, waxayna hore ula soo shaqeysay hay’ado gar gaar.


XS
SM
MD
LG