Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro


Qorshaha xisbiga Waddani waxaa ka mid ah dib u eegis lagu sameeyo dastuurka Somaliland, si is-beddel loogu sameeyo.

Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa maanta magaalada Hargeysa markii u horreysay ku soo bandhigay barnaamij siyaasadeedkiisa uu Somaliland ku hagi doono hadii uu doorashada ku guulaysto.

Waxyaabaha uu xisbiga Waddani ballan qaaday ayaa waxaa ka mid ah in ay dib u eegis ku samayn doonaan dastuurka Somaliland, gaar ahaan meelaha ay baahiyuhu ka jiraan.

Waxaa xisbiga uu sheegay in shirweynaha golaha dhexe ee xisbiga oo lagu dooran doono musharaxa madaxweyne iyo ku xigeenkiisa ay sida ugu dhakhsaha badan ugu dhawaaqi doonaan waqtiga la qabanayo.

Gudoomiyaha xisbigaasi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa amuurahan uga waramay Wariyaha VOA ee Hargeysa Cabdixakiim Maxamuud Shirwac.

Wareysi: Cabdiraxmaan Cirro
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:56 0:00

XS
SM
MD
LG