Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbixin Eedeymo Xambaarsan oo QM Loo Gudbiyey


Fadhiga golaha ammaanka
Fadhiga golaha ammaanka

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa loo gudbiyey warbixin uu soo saaray Guddiga Daba-galka Xayiraadda Hubka ee Somalia, waxayna sheegeysaa in musuqmaasuq baahsan oo aafeeyey DKMG ah, iyo in masuuliyiinta Puntland ay xiriir soke la leeyihiin kooxaha burcad-badeedda.

Warbixita, oo ka kooban 110 bog, ayaa ugu horreyn-ba sheegeysa in inkastoo ay saaxadda siyaasadeed ee Somalia si weyn isku bedeshay sanadkii tagay, oo la doortay hoggaan cusub, wadaaddo qunyar socod ahna ay majarihii dalka qabteen, in haddana xaaladda guud ee dalka, inay kasii darto m ahane, aaney wax weyn iska beddelin.

Colaad qabyaaladeysan

Warbixintu waxay sheegtay in colaadda ka aloosan koonfurta Somalia ay u xuubsiibatay mid qabyaalad ku saleysan. Waxaana illaa hadda meesha ka maqan koox ama dhinac cudud xooggan muujiyey, oo muquunin kara kuwa kasoo horjeeda.

Sidoo kale, warbixintu waxay sheegtay in Somaliland iyo Puntland, oo inta badan xeyndaab xasilloon uga dahaarnaa colaadda ragaadisay koonfurta Somalia, inuu iyana imminka soo gaaray faniinka colaaddaas.

Guddiga Daba-galka xayiraadda hubka, oo ah laanta soo saarta warbixinnada noocan ah sanadkiiba mar, ayaa xoogga saartay saddex qeybood.

Qeybta koobaad, waxay warbixintu xoogga saarta hubka sida sharci darrada ah ugu soo qulqulaya dalka Somalia, taas oo xadgudub ku ah xayiraaddii xagga hubka ee ay Qaramada Midoobay saartay Somalia, sanadkii 1992-dii.

Qeybta labaad ayay warbixintu xoogga ku saartay musuqmaasuqa iyo laaluushka aafeeyey hey’adaha dowladda KMG ah, iyo kuwa waliba qandaraaslayaasha daabula cuntada samafalka ah ee Somalia loo wado.

Qeybta saddexaad, ayay warbixintu diiradda ku saartay burcad-badeednimada, oo ay ku sifeysay inay noqotay mehered ay si qudbo siro ah uga macaashaan kooxaha burcad-badeedda, iyo siyaasiyiin badankooda ka tirsan maamulka Puntlnad.

Hubka sharci darrada ah

Haddii aan ku horreyno hubka sharci darrada ah ee Somalia ku qulqulaya, warbixinta ayaa sheegtay in hubka ugu badan uu wali Somalia kasoo galo dhanka dalka Yemen, balse waxay kaloo sheegtay in Ethiopia uu yahay dalka ugu weyn ee hub iyo rasaas siiya kooxo kala duwan oo Somalia jooga. Eritrea ayaa iyana soo raacda, iyadoo la sheegay in, inkastoo uu sanadkii lasoo dhaafay yaraaday hubkii ay Somalia geyn jirtay, haddana inay xoojisay taageerada dhaqaale, iyo midda siyaasadeed ee ay siiso kooxaha ku kacsan dowladda Somalia. Tusaale ahaan, Eritrea way qirsan tahay inaysan aqoonsaneyn DKMG ah ee caalamka intiisa kale uu inta badan aqoonsan yahay.

Dowladda KMG ah iyo ururka Ahlu-Sunna Wal-Jamaaca ayaa hubka ugu badan ka hela dowladaha dariska ah, sida warbixintu sheegtay. Laakiin kooxaha dowladda kasoo horjeeda, sida Xizbul-Islaam iyo Al-Shabaab, ayaa hubka intiisa badan ka iibsada suuq madow, suuqaas oo uu garwadeen ka yahay nin la yiraahdo Max’ed Siciid “Atom,” oo sida ay warbixintu sheegeyso ah dillaalka ugu weyn ee hubka ka keena Yemen, isagoo marka hore kasoo dajiya xeebaha Puntland, gaar ahaan Bariga Sanaag, halkaas oo uu saldhig iyo malleeshiyo-ba ku heysto. Warbixinta ayaa sheegtay in Atom uu malleeshiyadiisa u bixiyey “Mujaahidiinta Bariga Sanaag,” isagoo xiriir toos ahna la leh kooxda al-Shabaab, kuwaas oo tababar malleeshiyadiisa ku siiyey xero ku taalla deegaanka Galgala. Warbixinta ayaa sheegtay in Atom uu hadda billaabay inuu Galgala ka dhiso gegi dayuuradeed, iyo inuu isku diyaarinayo dagaal uu la galo maamullada Somaliland iyo Puntland.

Sidoo kale, warbixintu sheegtay in Xizbul-Islam iyo Al-Shabaab-ba ay hub iyo saanad wali ka helaan Eritrea, iyadoo kasoo dajisa xeebaha ku teedsan min Kismaayo illaa Muqdisho. Intaas waxaa dheer dagaal-yahanno ajnabi ah, oo wali kusoo qulqulaya. Guddiga Dabagalka Xayiraadda Hubka Qaramada Midoobay, ayaa tirada guud ee dagaal-yahannada ajnabiga ah wuxuu ku qiysaasay inay ka yar tahay kun dagaal-yahan, oo qaar kamid ah ay yihiin khubaro xagga tababarka iyo walxaha qarxa.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka dalka Ethiopia ay kusoo xera-taraareen gayiga Somalia dhowr goor, sanadkii lasoo dhaafay, gaar ahaan gobollada Hiiraan iyo Gedo, taas oo bay yiraahdeen xadgudub ku ah xayiraadda hubka ee Somalia saaran.

Xaraashidda Visooyinka

Qeybta labaad ee warbixinta, oo xoogga saartay musuqmaasuqa hareeryey DKMG ah iyo qandaraaslayaal daabula raashinka gargaarka ah, ayaa sheegeysa in wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda Somalia ay iibiyaan Visooyin ama dal-ku-gal Reer Galbeed ah. Warbixinta ayaa magacowday saddex wasiir, oo kala ah: wasiirka kalluumisiga iyo kheyraadka badda, ahna ra’iisul wasaare ku xigeen, Prof. C/raxman Ibbi, wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka, Madoobe Nunow, iyo wasiirka qoyska iyo haweenka, Fowsiyo Max’ed Sheekh.

Prof. C/raxman Ibbi, oo ay VOA-du weydiisay eedeymaha ku saabsan Visooyinka la iibsaday mar uu ka qeyb galayay Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha maalintii Axadda, ayaa beeniyey eedeymahaas.

Ka sokow wasiirrada, waxay warbixintu magacowday mudane ka tirsan baarlamaanka, oo la yiraahdo C/caziiz C/llahi Max’ed (Cabdi-Xukun), oo sida ay warbixintu sheegtay ah dillaal weyn oo soo dhameeya Visooyinka. Warbixinta ayaa sheegtay inuu Cabdi Xukun ka faa’ideyso baasaboor Midwoga Africa ah, oo uu heysto, kuna helay xilli uu ka tirsanaa baarlamaanka Midowga Africa.

Sidoo kale, warbixinta waxaa lagu magacaabay danjiraha Somalia u fadhiya Nairobi, Max’ed Cali America. Danjire America, oo la hadlay Guddiga Daba-galka ee warbixinta soo saaray, ayaa beeniyey inuu ku lug leeyahay iibinta Visooyinka.

DKMG oo beenisay

Dowladda KMG ah ayaa beenisay dhammaan eedeymaha ku saabsan iibsiga Visooyinka, waxayna sheegtay in, inkastoo ay baaritaan sameyn doonto, haddana ay warbixintu u egtahay mid la been abuuray, sida uu leeyahay Eng. C/raxman Cismaan Yarisow, wasiirka lacagta ee DKMG ah, oo isna VOA-da la hadlay.

Si kastaba ha ahaatee, khubarada u kuur gala Somalia, ayaa qaba in ugu yaraan faa’iidada laga heli karo warbixitan, ay tahay in shakhsiyaadka la eedeeyey, iyo kuwa damca inay musuqmaasuq geystaan-ba, inay ku khasbanaan doonaan inay ka fiirsadaan tallaabadooda, kahor intii aaney qaadin.

Ra’ayigaas waxaa qaba Dr. Afyare Cabdi Cilmi, oo daraasaadka caalamiga ah ka dhiga Jaamacadda Qatar ee Doxa.

Sidoo kale, Prof. Afyare wuxuu qabaa in dowladda KMG ah soo dhaweyso baaritaankan.

Raashin la xaday

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in ugu yaraan kala bar raashinka gargaarka ah ee Somalia loo wado, inay dhexda ka saaraan qandaraaslayaal daabula raashinkaas, oo u shaqeeya heya’dda WFP. Mid kamid ah qandaraaslayaash, oo la yiraahdo Eng. C/qadir Eenow, ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray toddobaadkan, wuxuu si xooggan u beeniyey eedeymaha loo soo jeediyey. Ha yeeshee hey’adda WFP ayaa sheegtay inay hakisay qandaraaskii ay siin jirtay saddexda shirkadood ee la eedeeyey.

Burcad-badeedda

Qeybta saddexaad ee warbixinta, oo xoogga saareysa burcad-badeednimada, ayaa sheegtay in, inkastoo ay gaashaan-buur caalami ahi isku taxallujisay inay xakameyso burcadda kusoo qamaamtay xeebaha Somalia, inay wali burcad-badeenimadu sii jirto, oo walibana ay soo xoogeysatay.

Warbixinta ayaa sheegtay in sababta ugu weyn ee burcad-badeeddu ay usoo xoogeysanayaan ay tahay iyagoo taageero siyaasadeed iyo badbaado-ba ka helaya goobaha ay saldhigyada ku leeyihiin ee aagga Puntland iyo bartamaha Somalia, gaar ahaan Xaradheere.

Warbixinta ayaa sheegtay in sababta ay burcaddu ugu dhici weysay inay xarumo ka sameysato xeebaha Somaliland, oo juquraafi ahaan u dhow dhabbooyinka caalamiga ah, inay tahay iyadoo uu maamulka Somaliland, iyo beelaha dega xeebuhu-ba, ay tallaabooyin xooggan ka qaadeen burcadda.

Sidaas darteed, warbixinta ayaa sheegtay in burcad-badeednimadu ay tahay ganacsi qoys. Dhanka Xaradheere, qoyska udub-dhexaadka u ah burcadda waxaa hoggaamiya Max’ed Xasan Cabdi “Afweyne,” waxayna warbixintu sheegtay inuu wiilkiisa C/qadir uu sanadkii tagay la wareegay inta badan howlaha burcadda bartamaha Somalia.

Burcad-badeedda & Puntland

Dhanka Puntland, warbixinta ayaa sheegtay in qoysaska burcad-badeednimada ay kala hoggaamiyaan Abshir C/llahi Boyah, oo kasoo jeeda degmada Eyl, Max’ed Cabdi Garaad, iyo Fu’aad Warsame Saciid, oo loo yaqaanno “Xannaano,” kana soo jeeda Bariga Sanaag.

Warbixinta ayaa sheegtay in madaxda sare ee Puntland, sida madaxweyne C/raxman Max’ud “Faroole,” Wasiirka arrimaha gudaha, Gen. C/llahi Axmed Jamac “Ilka-Jiir,” iyo wasiirka amniga, Gen. C/llahi Saciid Samatar, in masuuliyintani ay xiriir toos ah la leeyihiin burcad-badeedda, iyo waliba inay ka macaashaan dhaqaalaha ay burcaddu soo xareyso, sida ay warbixintu qortay.

Inkastoo ay Puntland kordhisay la dagaallanka burcadda iyo cambaareyntoodaba, sanadkii lasoo dhaafay, sida ay warbixintu qortay, haddana warbixintu waxay sheegtay in horjoogayaal burcad-badeed ay si xor ah u joogaan Puntland, mararka qaarkoodna ay badbaado heleen.

Warbixintu waxay tusaale usoo qaadatay in Gen. Ilkajiir, wasiirka arrimaha gudaha ee Puntland, inuu si shakhsi ah ugu ololeeyey sii deynta toddobo burcad-badeed ah oo daacad u ah Xannaano, ,kuwaas oo ay la baxsadeen shaqaale u dhashay Masar, oo lagu heystay deegaannada Puntland. Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay inuu General Ilka-Jiir, oo muddo dheer ku noolaa dalkan Mareykanka, inuu u ololeeyey in Xannaano loo magacaabo taliyaha ciidanka ilaalada badda ee deegaannada Sanaag, kaddib markii uu, sida warbixintu sheegtay, Fu’aad Xannaano siiyey Ilka-Jiir lacag dhan $200,000, xilligii uu jeneraalku u tartamayay madaxtinimada Puntland.

Si kastaba ha ahaatee, wasiirka warfaafinta ee Puntland, C/xakiim Axmed Guled, oo Jimcihii shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe, ayaa si kulul u beeniyey eedeymaha loo soo jeediyey Puntland.

'Ha lala xisaabtamo'

Sen. Russ Feingold, oo ah guddoomiyaha guddi-hoosaadka Africa ee Aqalka Senate-ka ee Mareykanka, ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray, wuxuu sheegay inuu aad uga walaacsan tahay eedeymaha ku xusan warbixinta, iyo raashinka samafalka ah ee la xado. Wuxuuna ku baaqay in beesha caalamku ay kordhiso la xisaabtanka shakhsiyaadka iyo kooxaha ka dambeeya falalkaas.

Ma buunbuunin baa?

Si kastaba ha ahaatee, sheegid waxaa mudan in Guddiga Daba-galka xadgudubyada ka dhanka ah xayiraadda hubka ee Qaramada Midoobay, oo ah kooxda soo qortay warbixintan, inay leedahay soo jireen mararka qaarkood ay ku jirtay buunbuunin iyo ka badbadin, taas oo shaki ku abuureysa xaqiiqanimada eedeymo badan oo ay warbixintu qortay, sida uu leeyahay Prof. Afyare Cabdi Cilmi, oo ka warramaya warbixinnadii hore

Ugu dambeyntii, warbixinta ayaa ka dayrineysa guud ahaan xaaladda Somalia, inkastoo ay sheegeyso inay dhaanto sanadkii ka horreeyey. Laakiin waxay tilmaameysaa in kooxda Al-Shaaab ay sii xoojisay xiriirka ay leedahay kooxaha argagixisada caalamiga ah, sida Al-Qaacida, waxayna warbixintu sheegtay inay taasina, marka lagu biiriyo qodobbadii kale ee ay warbixintu kasoo hadashay, inay bohol qoto-dheer kasii tuuro yididiiladii laga qabay in xaaladda Somalia soo noolaato.

XS
SM
MD
LG