Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbixin Gaar ah: Sidee Loo Fuliyey Dilkii Dulyadeyn?


Ciidamada Soomaaliya
Ciidamada Soomaaliya

Idaacadda VOA ayaa xog dheeri ah ka heshay qaabkii loo fuliyey howlgalkii lagu dilay Maxamed Maxamuud Dulyadayn oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay idaacadda VOA ka heshay ilo kala duwan ayaa sheegaya in ciidamada Soomaalida oo taageero ka helaya kuwa Maraykanka ay toddobaakdii hore isku dayeen inay qabtaan Maxamed Maxamuud Dulyadayn ka hor intii aysan dilin.

Wararku waxay sheegayana in howlgalku dhacay saacadihi hore ee Arbacadii, 1-da bishan markaasi oo ciidanku ay ku horgooyeen Dulyadayn babauurkiisa cirifka waqooyi ee magaalada Buulo Guduud.

Maalintii Talaadadii ayaa la sheegay in Dulyadayn uu yimid degaanka Buulo Guduud isagoo maalmahaasba ku wareegayey furimaha dagaalka si uu ciidankiis au dhiirigeliyo.

Waxaa kale oo ciidanka uu u waday saad kooban oo ay ka mid yihiin maro-kaneecooyin, solarka lagu soo celiyo dabka batariga telefoonnada, kabo iyo dirays.

Waxaa la sheegay in ciidamadu sirdoonku ay ogaadeen dhaqdhaqaaqiisa iyo halka uu jogo kuwaasi oo baadi goob kulul ku hayey.

Haaruun Macruuf ayaa warbixintan gaarka ah ka diyaariyey.

Sidee loo fuliyey dilkii Dulyadeyn?
please wait

No media source currently available

0:00 0:09:23 0:00

XS
SM
MD
LG