Isku xirrada

War Deg-Deg ah

11 Ruux oo ku Dhimatay Dayaarad ku Burburtey Afghanistan


Dayaarad Mareykanku uu leeyahay oo militeri C-130, ayaa ku bur-burtay garoon ku yaalla magaalada Jalalabad ee bariga Afganistaan, halkaas oo ay ku dhinteen 11 ruux.

Dayaarada ayaa bur burtay arroorti hore ee Jimcaha, waxana socdaa baaritaanno ku aaddan sababaha dhicidda dayaaradda.

Saraakiil ka tirsan gaashaandhigga Mareykanka oo jooga saldhiga ciidamada Bagram ee Afghanistan, ayaa sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan lix ka mid ah shaqaalaha Mareykanka.

Sidoo kale, shan qandaraas qaatayaal rayid ah oo u shaqeynayay NATO, ayaa shilkaasi ku dhintay.

Ururka Taliban, ayaa sheegtay inay soo rideen dayaaraddaasi, laakiin taasi ayaan illaa iyo hadda la caddeyn.

XS
SM
MD
LG