Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbixin: Caburin ayaa lagu hayaa Warbaahinta Soomaaliya


Warbixin: Caburin ayaa lagu hayaa Warbaahinta Soomaaliya
Warbixin: Caburin ayaa lagu hayaa Warbaahinta Soomaaliya

Warbaahinta iyo suxufiyiinta ka hawlgala Soomaaliya ayaa si isa soo tareysa ula kulmaya caburin uga imaneysa kooxaha ku kacsan dowladda KMG ah.

Dalka Soomaaliya waxa uu noqday meelaha ugu khatarta badan ee ay suxufiyiintu ka hawlgalaan. Warbaahinta iyo Suxufiyiinta ka hawlgala magaalaad Muqdisho ayaa si joogta ah ula kulmayay caburin iyo cadaadis kala duwan oo lagu doonayo in hawshooda lagaga hor istaago.

Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa la kulmay xarig, dil, caga jugleyn iyo dhibaatooyin kale oo uga imanaya dhinacyada isku haya Soomaaliya.

Kooxaha al-Shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa shalay la wareegay Idaacadaha Hornafrik iyo GBC ee magaalada Muqdisho.

XS
SM
MD
LG