Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Obama oo Ayiday Hillary Clinton


Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa ayiday oo taageeray Hillary Clinton, laba maalmood ka dib markii ay noqotay qofka noqonaya musharraxa madaxtinimo Maraykanka ee xisbiga Dimoqraadiga.

Obama wuxuu yiri" Waan ogahay in shaqadan adag tahay, taasi darteed ayaan ogahay in Hillary Clinton ay shaqadan ku wanaagsan tahay.

Ayidaada Obaa ayaa timid waxyar kadib markii Obama uu Aqalka Cad kula kulmay ninka ay Hillary Clinton loolamayaan ee Senator Bernie Sanders.

Sanders ayaa ka dhawaajiyay inuu ololaha sii wadi doono oo toddobaadkan danbe uu ka qeybgali doono doorashada hordhaca ah ee ka dhacaysa magaaladan Washington DC.

XS
SM
MD
LG