Isku xirrada

War Deg-Deg ah

War-Sheekh: 10 ayaa ku Dhimatay Dagaal


War-Sheekh: 10 ayaa ku Dhimatay Dagaal
War-Sheekh: 10 ayaa ku Dhimatay Dagaal

Dagaalka ayaa bilowday ka dib markii ay al-Shabaab amar ku bixisay in loo soo gacan geliyo nin horey dil u geystay oo xoolo dhaqatada ka tirsan.

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay dagaal maanta deegaanka Warsheekh ku dhexmaray dad xoolo dhaqato ah iyo maleeshiyo ka tirsan ururka al-Shabaab.

Maleeshiyada al-Shabaab iyo dadka xoolo dhaqatada ah ayaa dagaalamay ka dib markii al-Shabaab ay faragelin ku sameysay muran u la xiriira dil oo u dhaxeeyay xoolo dhaqatada dhexdeeda.

Al-Shabaab ayaa ku amartay xoola dhaqatadu inay u soo gacan geliyaan nin horey dil u geystay ee xoolo dhaqatada ka tirsan, hase yeeshee xoolo dhaqatada ayaa ka biyo diidday amarkaasi, hal dhinacna uga soo jeestay maleeshiyadii al-Shabaab.

Dadka dhintay 6 ka mid ah waxaa la sheegay inay ka tirsan yihiin maleeshiyada al-Shabaab, halka 4ta kalena ay yihiin xoolo dhaqato.

Dagaalka ayaa iskiis u qaboobay, waxaana dad goob joogayaal ah ay VOA u sheegeen in laga yaabo in mar kale uu dagaalku qarxo, ka dib markii kooxda al-shabaab ay gurmad dalbatay.

Weli al-Shabaab wax war ah kama ay soo saarin dagaalkaasi.

XS
SM
MD
LG