Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Aaska Cabdullahi Yuusuf oo La Shaaciyay


Ra’isul Wasaaraha Somaliya ayaa sheegay shalay shirkii golaha wasiirada looga dhawaaqay Guddi Qaran oo ka soo tala bixiya qaabka uu u dhacayo Aaska madaxweynihii hore.

Ra’isul Wasaaraha ayaa sheegay in maalinta berita ah meydka madaxweynaha Muqdisho la geyn doono, si halkaasi loogu sameeyo xalaflad isugu jirta baroor diiq iyo aas qaran, hase yeeshee ay suurgal tahay buu yiri in magaxweynaha loo sii duuliyo magaalada gaalkacyo oo ah halka uu ku dhashay si loogu aaso.

Dhinaca kale War ka soo baxay Xafiiska ergayga gaarka ah ee Qaramada midoobay ee Somalia, Augustine Mahiga, ayaa geerida madaxweynihii hore ee Somaliya Abdullahi Yusuf Ahmed, ku tilmaamay mid laga naxo.

Isagoo ku hadlayay magaca qaramada midoobay ayuu Augustina Mahiga u diray tacsi, qoyskiisa Qaraabadiisa, asxaabtii, DKMG ah, iyo umadda somaliyeed geeridii ku timid madaxweynaha.

Cabdullaahi Yusuf oo Soomaaliya Madaxweyne ka noqday October 2004, ayaa waxa uu iska casilay xilkii madaxtinimada Soomaaliya December 2008.

Wareysi ku saabsan halkan hoose ka dhageyso

XS
SM
MD
LG