Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Tacadiyada Xuquuqda Aadanaha


Xassan shire
Xassan shire

Xasan Shire oo madax ka ah hey’adda Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Africa, ayaa ka hadlaya tacaddaiyada xuquuqda aadanah Somalia.

Colaadda mudada dheer ka socotay Soomaalyia, ayaa weli waxaa ku dhimanaya dadka rayidka ah, xadgudubyada xuquuqda aadanahana wey sii socdaan.

Xadgudubayadaas ayaa la sheegay inay ku lug leeyihiin labadaba al-Shabab iyo xoogagga shisheeye iyo ciidamada dowladda ee ka soo horjeeda.

Waxaa kaloo hey’adaha xuquuqda aadanaha ay dowladda Somalia wax ka saareen mas’uuliyadda xad gudubyadan, maadaama ayka soo bixi weysay waajibaadkii ka saarnaa ilaalinta ammaanka shacabka ay masuuliyadda u qaaday.

Eedeynmihii ugu dambeeyay ee ku aadan xad gudubyada ayaa ka soo baxayay qaar ka mid ah dadka ku nool gobolka Gedo oo ka cabanaya jawaabihii ay ciidamada Kenya ka bixiyeen weerar laba toddobaad ka hor ay al-Shabaab ugu geysatay saldhigii ay ku lahaayeen deegaanka Ceel-Cadde.

Wariyeheenna Maxamed Cabdi Xassan Sandheere ayaa xadgudubyada Somalia ka dhaca kuwooda ugu waaweyn wax ka weydiiyay, Xasan Shire Sheekh oo madax ka ah hey’adda Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Africa.

Xadgudubyada xuquuqda aadanaha Soomaaliya
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:38 0:00

XS
SM
MD
LG