Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wafdi UN-ka ka socda oo Muqdisho Gaaray


Wafdi UN-ka ka socda oo Muqdisho Gaaray
Wafdi UN-ka ka socda oo Muqdisho Gaaray

Wafdiga ayaa u kuurgelaya xaaladaha Abaareed ee Dalka Soomaaliya.

Waxaa maanta gaaray magaalada Muqdisho wafdi ka socda hay'adaha samafalka ee Qaramada Midoobay ee xafiisyadoodu ay ku yaalliin magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wafdigan oo ka koobnaa inka badan 10 xubnood ayaa shir la qaatay golaha xukuumadda KMG ah oo uu shir guddoominayay ra'iisal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka gaashaan dhigga ee dowladda KMG ah Cabdixakiim Fiqi..

Wasiirka warfaafinta ee dowladda KMG ah Cabdulkariim Xasan Jaamac ayaa warbaahinta u sheegay ujeedada wafdigan u yimid Soomaaliya inay tahay si ay qiimayn ugu sameeyaan xaaladda Abaarta Soomaaliya.

Imaatinka wafdigan ayaa ku soo beegmay xilli ay dalka ka jirto abaar aad u daran oo ay ku le'deen xoolo tiro badan, dadkana ay khatar ugu jiraan inay macluul darteed la dhintaa.

XS
SM
MD
LG