Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wadahadaladii Kismaayo oo Guuldarraystay


Wadahadaladii u dhaxeeyay ra'iisul-wasaare Saacid iyo maamulka KMG ee Kismaayo ayaa la isku-mari waayay guuldarrona ku dhammaaday, kadib markii qolo walba ku adkaysatay in looga danbeeyo dhismaha maamulka Jubbooyinka.

Wasiirka arrimaha gudaha, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in qodobo dastuuri ah dartood wadahadaladii la isku mari waayay oo ay joogsadeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa maamulka u sheegtay in iyada looga danbeeyo qaabka iyo sida loo dhisayo maamulka, halka Maamulka KMG ee Axmed Madoobe uu madaxda u yahan uu isna ku adkeystay in dowladdu taageerto shirka ay ka wadaan Kismaayo ee lagu dhisayo maamulka Jubbooyinka

Qodobka 49-aad ee dastuurka ayaa la sheegay inay labada dhinac ay ku heshiin waayeen, wuxuuna qodobka ka hadlayaa tirada iyo xuduudaha dowlad goboleedyada.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay inuu filayo in wadahadaladu ay sii socdaan oo xalna laga gaaro.

Ra'iisul-wasaare Saacid ayaa dib ugu soo noqonayo maanta magaalada Muqdisho.

please wait

No media source currently available

0:00 0:07:37 0:00
XS
SM
MD
LG