Wadaad ka tirsan culimaa'iddiinka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay dowladda KMG ah iyo Kooxda al-Shabaab, inay joojiyaan colaadda.
Sheekh Maxamed Axmed Cumar (Garyare) ayaa sheegay in aysan meelna ku bannaaneyn in dhiig Islaam ah la daadiyo. Wuxuu sheegay in kooxda al-Shabaab aysan mar marsiiyo ka dhigan karin dagaalka AMISOM, isagoo sheegay in AMISOM aysan dalka ku soo duulin, hase yeeshee ay nabadda ilaalinayso.
Wuxuu ugu baaqay dhammaan dhinacyada Soomaalida inay colaadda ka fogaadaan, ayna ka shaqeeyaan sidii ummadda abaaruhu ku habsadeen loo gargaari lahaa.