Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wada-hadalladii Syria Oo Shaki Weyn Ku Jira


Wakiilka QM ee Syria Staffan de Mistura
Wakiilka QM ee Syria Staffan de Mistura

Wakiilka QM ee Syria Staffan de Mistura ayaa doonaya inay wada-hadallada dhacaan 25-ka January, hase yeeshee ma muuqato taas.

QM ayaa dooneysa inay qabato wareeg cusub oo wada-hadallada nabadda Syria ah isniinta soo socota, hase yeeshee ayada oo maalmo yar un ay harsan yihiin, islamarkaana aan heshiis laga gaarin cidda ka qeyb galeysa, ayaa waxaa jira shaki ku saabsan in wada-hadallada ay ku dhici doonaan waqtigii loogu tala galay.

Staffan de Mistura, oo ah ergayga QM ee Syria ayaa bishii tagtay ku dhowaaqay inuu doonayo in wada-hadallada ay 25-ka January ka billowdaan magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Waxa uu haystaa taageerada 17 dal oo ay ku jiraan Mareykanka iyo Russia, hase yeeshee dalalkan ayaan weli go’aan ka gaarin cidda ka midka ah kooxaha tirada badan ee mucaaradka Syria ee ka qeyb galaya wada-hadallada.

Ku xigeenka afhayeenka QM, Farhan Haq, ayaa Isniintii (1/18/2016) sheegay in casuumadda ka qeyb galka wada-hadallada aan la diri doonin, illaa go’aan laga gaarayo kooxaha loo ogolaanayo miiska wada-hadalka.

Waxa uu sheegay in QM ay weli diiradda saareyso 25-ka January inay wada-hadallada billowdaan, islamarkaana xoghayaha guud Ban Ki-moon uu ku boorinayo quwadaha adduunka inay laba laabaan dadaallada heshiis looga gaarayo arrintan.

XS
SM
MD
LG