Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jaamacadaha SCSU Iyo SIU Oo Xiriir Sameystay


SIU iyo SCSU oo xiriir sameystay
SIU iyo SCSU oo xiriir sameystay

Jaamacadda Somali International University (SIU) ee Muqdisho, ayaa xiriir la sameysatay Jaamacadda St. Cloud  State University ee Minnesota.

Guddoomiyaha Jaamacadda Somali International University (SIU) Maxamed Cali Ismaaciil, ayaa socdaal ku jooga dalka Mareykanka.

Guddoomiyaha, ayaa la kulmay mas’uuliyiinnta Jaamacada St. Cloud State University ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, ayaga oo aas-aasay xiriir waxbarasho oo muhiim ah.

Waxyaabaha ay labada dhinac isla garteen waxaa ka mid ah in jaamacadda St. Cloud ay tababar siiso macallimiinta jaamacadda SIU, islamarkaana waxbarashada Online-ka ee St. Cloud University loo furo jaamacadda SIU.

Weriyaha VOA-da ee magaalada Minneapolis Maxamuud Mascadde, ayaa arrintan ka warreystay Maxamed Cali ismaaciil.

Guddoomiyaha Jaamacadda SIU
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:18 0:00

XS
SM
MD
LG