Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wada-Hadalka Nabadda Afghanistan Oo Furmay


KEYD: Askari ka tirsan ciidamada Afghanistan oo ku sugan magaalada Kunduz ee woqooyiga Kabul.
KEYD: Askari ka tirsan ciidamada Afghanistan oo ku sugan magaalada Kunduz ee woqooyiga Kabul.

Wada-hadalladan ayaa waxaa ka qeyb galaya dalalka Pakistan, Afghanistan, China iyo Mareykanka, waxayna ka dhacayaan Islamabad.

Pakistan ayaa maanta oo Isniin ah (1/11/2016) marti-gelineysa wada-hadallo dib loogu soo nooleynayo hanaankii nabadda Afghanistan. Wada-hadallada ayaa waxaa ka qeyb-galaya Afghanistan, China iyo Mareykanka.

Sartaj Aziz, oo ah la taliyaha siyaasadda arrimaha dibedda ee ra’iisul wasaaraha Pakistan Nawaz Sharif, oo ka hadlay furitaanka kulanka ayaa sheegay in ujeedooyinka wada-hadalladan ay yihiin in la abuuro xaalad kooxaha Taalibaan lagu keynayo miiska wada-xaajoodka.

Waxa uu sheegay in sidoo kale la isku dayayo in Taalibaan loo yabooho waxyaabo ka dhaadhicin kara inay ka fogaadaan rabshadaha oo ay raadiyaan hadafyo siyaasadeed.

Dib u ballaarashada muqaawamada Afghanistan ee sanadkii tagay ayaa dalalka gobolka iyo kuwa caalamka ku abuurtay walaac laga qabo in dhiig badan oo kale uu ku daato dalkaas, xasilooni darradana ay sii baahdo.

Aziz ayaa sheegay in kulankan uu ka shaqeyn doono qeexidda jihada hanaanka nabadeed ee Afghanistan, iyo abuuridda jawi ay dowladda Afghanistan iyo kooxda Taalibaan ay si toos ah ugu wada hadali karaan.

XS
SM
MD
LG