Isku xirrada

War Deg-Deg ah

VOA oo wareysatay Wasiirka Amniga iyo Sheekh Attam


VOA oo wareysatay Wasiirka Amniga iyo Sheekh Attam
VOA oo wareysatay Wasiirka Amniga iyo Sheekh Attam

Ugu yaraan 20 qof oo kamid ah dhinacyadii dagaalamay ayaa geeriyooday kadib markii dagaallo ku-dhufo oo ka-dhaqaaq ah uu ka dhacay Galgala

Dagaallo goos-goos ah oo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo maleeshiyada kooxda Sheekh Attam ayaa ka dhacay meel 30-KM u jirta tuullada Galgala. 20 qof oo ka mid ah ciidamada Puntland iyo maleeshiyada kooxda Atam ayaa la sheegayaa inay dhinteen, iyadoo sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 10 qof.

Dagaalladan oo ahaa nooca ku-dhufo oo ka-dhaqaaq ayaa bilowday kadib markii maleeshiyada kooxda Sheekh Attam ay weerarro la beegsadeen saldhigyo ay ciidamada Puntland ka samaysteen dhulka buuralayda ah ee Galgala.

Wasiirka Amniga ee Puntland Yuusuf Axmed Kheyr oo VOA-da la hadlay ayaa sheegay inay guullo dagaalkaasi ka gaadheen. Wasiirku wuxuu sheegay in ugu yaraan 5 ka tirsan ciidamadooda ay dhinteen, halka dhinaca kalena ay ka dileen in ka badan 8 askari.

Dhinaca kalena, Sheekh Maxamed Siciid Atam ayaa isna VOA la hadlay, isagoo sheegay in maleeshiyadiisu ay dagaalladan qaadeen khasaaro ba'an ay gaadhsiiyeen ciidamada Puntland.

XS
SM
MD
LG