Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhinacyada Liibiya Isku Haya Oo Heshiiyey


Representatives sign documents after reaching an agreement on ending the politi
Representatives sign documents after reaching an agreement on ending the politi

Haddii uu meelmariyo baarlamaanka caalamku aqoonsan yahay ee dalka Liibiya ee fadhigiisu yahay magaalada Tobruk, uuna oggolaado mucaaradka ku sugan magaalada Tripoli, ayuu heshiishkan noqon doonaa mid la soo afjaro xurgufta u dhaxaysa dhinacyada isku haya dalka Liibiya tan iyo markii hoggaaminka dalkaasi laga tuuray madaxeynihii hore ee dalkaasi Moammar Qaddafi.

Heshiiskan ayaa waxaa garwadeen ka dowladda Tuniisiya oo dooneysa in ay dhnacyadaasi ka heshiiyaan muranka ku dhaxeeya

Mohammed Awad Abdul-Saqid oo ah ku xigeenka koowaad ee hoggaanka horseedka u ah mucaaradka ka dhisan magaalada Tripoli ee General National Congress(GNC) ayaa wakaaladda wararka ee Faransiiska u sheegay in heshiishkani uu yahay mid taariikhi ah oo ay sugayaan dadka Liibiyaanka ah, Carabta iyo caalamkuba.

Talefishinka Al-Carabiya ayaa sheegay in qaabka heshiiskan la gaaray uu u dhisanyahay in dowladda wadaaga la dhisi doono ay hoggaamin doonaan guddi ka kooban toban qof.

Dalka liibiya ayaa sidoo kale ay dhibaato ka haystaa farac ka tirsan ururka Daacish oo halkasi ka fuliya weeraro kala duwan.

XS
SM
MD
LG