Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Virginia: Lacag Loo Ururiyay Abaaraha


Virginia: Lacag Loo Ururiyay Abaaraha
Virginia: Lacag Loo Ururiyay Abaaraha

Jaaliyadda Soomaalida ee nawaaxiga Washington DC, ayaa ururiyay lacago, si ay uga qeyb qaataan gargaarka abaaraha Soomaaliya.

Jaaliyadda Soomaalida ee nawaaxiga Washington DC, iska ururiyay lacago, si ay uga qeyb qaataan hawlaha gargaarka Abaaraha Soomaaliya.

Jaaliyadda oo ka kala timid gobollada Maryland, Virginia iyo Washington, waxa ay ku kulmeen gobolka Virginia.

Xasan Warsame oo ka mid ah qaban qaabiyeyaasha kulankaasi ayaa sheegay in ujeedada imaatinkoodu ay tahay inay iska ururiyaan lacago ay ku kaalmeynayaan dadka ay abaaruhu saameeyeen ee Soomaaliya. Waxa uu sheegay inay ururiyeen $13,000 oo uu sheegay inay ku dirayaan urur la yiraahdo Camuud Foundation.

Xasan Warsame wuxuu kaloo sheegay in sidoo kale ay ururiyeen $10,000 oo doolar oo kale, taasoo uu sheegay inay marsiin doonaan hay'adda Islamic Relief.

Jaaliyadda Soomaalida ee nawaaxiga Washington waxay sidoo kale sheegeen inay sii wadi doonaan ururinta lacago si ay dadka abaaruhu ku dhufteen u helaan afur xilliga Ramadaanka.

XS
SM
MD
LG