Isku xirrada

War Deg-Deg ah

VA: Maxkamadda Nin Shabaab Ku Biiri Rabay


Ninka maanta la soo taagay maxkamada oo lagu magacaabo Zachary Chesser ayaa mar kale maxkamada la hor keeni doonaa maalinta berri ah.

Mas’uuliyiin Maraykan ah ayaa diyaariyay dacwad ka dhan ah nin dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay inuu isku dayay inu ku biro kooxda mintidka ah ee fadhigeedu yahay Soomaaliya ee al-Shabaab.

Booliska federaalka ee gobolka Virginia ee Bariga Maraykanka ayaa arbacadii xiray Zachary Chesser oo 20 jir, kuna eedeeyeen inuu taageero u fdiyay kooxda al-Shabaab oo ah koox ku xiran al-Qaacida oo isku dayeysa inay afgembiso dowladda tabarta yar ee caalamku taageero ee Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Maraykanku waxay sheegeen in Chesser oo sidoo kale loo yaqaan Abu Dhalxa al-Amriiki la qabtay 10 bishan July, isagoo isku dayay inuu New York ka raaco diyaarad ku sii jeeday Uganda, ka dib markii lagu daray liiska dowladda ee dadka aan dhoofi karin.

Ninkan reer Virginia wuxuu u sheegay saraakiisha Maraykanka inuu labo jeer isku dayay inuu u socdaalo Soomaalia si uu ugu biro al-Shabaab.

Maraykanka ayaa ku daray al-Shabaab liiska argagixisada sanadkii 2008.

Saraakiisha baaritaanka ku haysan ninkan ayaa sidoo kale ku eedeeysay inuu xiriir la sameeyay Anwar al-Awlaki oo ah wadaad Maraykan ah oo fadhigiisu yahay dalka Yemen kaasoo xubin ka ah al-Qaacidada Yemen.

Maxkamada Virginia ee maanta la soo taagay Zachary Chesser ayaa mar kale u ballansan maalinta berri ah in la horkeeno.

XS
SM
MD
LG