Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USAID oo Soomaali Kula Kulantay Seattle


Masuuliyiin ka socotay hay’adda Gargaarka u qaabilsan Mareykanka ee marka magaceeda la soo Gaabiyo la yirahdo USAID, ayaa xalay kulan wada tashi ah la yeeshay Aqoonyahanada, odayaasha iyo qeybaha kale ee bulshada ee Somalida ku nool Magaalada Settle ee gobolka Washington.

Hay’adda ayaa kulankaasi talooyin ku weydiisaneysay Somalida Mareykanka ee Magaaladaasi, sidii ay gacan uga geysan lahaayeen qorshe hay’adu ay ka fulineyso Somalia oo la magac baxay Talaabooyinka Xilliga kala Guur ee Xasilinta Somalia. Oo loo yaqaan TIS-SOMALIA

Qorshahaas oo isugu jira abuurista fursade dhaqaale, dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, Cusbitaladda, Suuqyada, wax soosaarka beeraha iyo dhismaha dowladdaha hoose ee dhulka laga saaray kooxda Alshabab.

wareysi ku saabsan arintaasi oo aan la yeelanay Ceynab Cabdullahi C/raxman oo ka mid ahaa aqoonyahankii somaliyeed ee ka qeybgalay kulankaasi, halka hoose ee qoraalkan ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG