Isku xirrada

War

USA: Waan taageeraynaa ciidamo dheeraad ah


USA: Waan taageeraynaa ciidamo dheeraad ah

USA: Waan taageeraynaa ciidamo dheeraad ah

Kaaliyaha Xoghayah Arr. Dibedda Maraykanka Johnnie Carson ayaa sheegay in USA taageerayso ciidamo dheeraad ah oo lagu biiriyo AMISOM

Hadal uu Johnnie Carson ka jeediyay shir-madaxeedka waddamada Midowga Africa, wuxuu sheegay in loo baahan yahay ciidamo dheeraad ah oo la dagaalama kooxda Al-Shabaab oo doonayo inay ridaan dawladda KMG ah.

Madaxda dalalka Africa ayaa maalintii labaad shir ku leh magaalada Kampala, iyadoo qodobbada laga doodayo ay ugu weyn tahay xaaladda cakiran ee Somalia. Madaxda ayaa ku baaqaya in ciidamo ka socda waddamada Africa lagu biiriyo kuwa AMISOM.

Johnnie Carson wuxuu madaxda Africa u sheegay in Maraykanku diyaar la yahay taageero ciidan dheeraad ah oo lagu xoojinayo kuwa Midowga Afrika ee hadda Somalia ka hawl gala.

XS
SM
MD
LG