Isku xirrada

USA oo Arrimo-fuliye u Magacowday Somalia


State Logo

State Logo

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in in arrimo fuliyaha cusub ee u qaabilsna Soomaaliya uu noqon doono David H Kaeuper.

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in in arrimo fuliyaha cusub ee u qaabilsna Soomaaliya uu noqon doono David H Kaeuper.

David H Kaeuper, ayaa waxa uu madax ka noqon doonaa Howl-Gallada Diblomaasiyadeed ee Mareykanka ee Soomaaliya, oo si rasmi ah loogu dhowaaqay sideedii bishan sebtembar.

Dhinaca kale, Xafiiska Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka u qaabilsan arrimaha sharci-fulinta caalamiga ah iyo la-dagaalanka daroogada, ayaa heshiis is-afgarad ah la saxiixday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Puntland, si sare loogu qaado wada-shaqeynta labada dhinac ka dhaxeysa ee tababarada booliiska iyo ka-hortagga argagixisonimada.

Heshiiskan ayaa waxa uu ogolaan doonaa in hal milyan oo dollar oo ka mid ah lacagta xafiiskan magaciisa loo soo gaabiyo (INL) ugu tala galay tababarada booliiska iyo la dagaalanka argagixisada la siiyo maamulka Puntland.

Barnaamijkan ayaa waxa uu qeyb ka yahay in lasii wado ballaanqaadka xafiiska INL ee ku aaddan dadaallada gobolka ee ku aadan booliiska iyo la dagaalanka argagixisada.

XS
SM
MD
LG