Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA: Heshiis laga Gaaray Xaddiga Amaahda


USA: Heshiis laga Gaaray Xaddiga Amaahda
USA: Heshiis laga Gaaray Xaddiga Amaahda

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in heshiis ku saabsan Xaddiga maahda oo uu la gaaray hoggaamiyeyaasha Congresska.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa heshiis meel dhexe laysugu yimid la gaaray madaxda Congresska, si loo kordhiyo xaddiga amaahda dowladda, dowladduna ay dhimis aan horey loo arag ku sameyso kharashaadka ay bixiso.

Madaxweyne Obama ayaa xalay Axaddii wariyeyaasha ugu sheegay Aqalka Cad, in heshiiskan meesha dhexe laysugu yimid uu kharash bixinta dowladda ka dhimayo inka $1 trillion muddo 10 sano ah, uuna dhisayo guddi congresska ah oo eegi doona sameynta kharash dhimis dheeri ah. Waxa uu sheegay in guddigaasi uu ka arrinsan doono arrimo badan, oo ay ku jiraan, kordhinta canshuurta iyo dhimista kharashka ay dowladdu ku kaalmeyso dadka dan yarta ah, sida caafimaadka.

Congresska ayaa weli ay tahay inuu ansixiyo heshiiskan, kaasoo la rajeynayo la filayo inuu ansixiyo Senate-ka oo ay aqlabiyaddiisu haystaaan Dimoqraadiga, hase yeeshee Congresska ay hoggaamiyaan Jamhuuriga uu kala kulmi doono mucaaradad.

Codeyn ayaa laga yaabaa inay dhacdo Isniinta maanta, iyadoo hoggaamiyeyaasha Congress-ka ee labada xisbi ay leeyihiin inay rajeynayaan inay codad ku filan u haystaan heshiiskan amaahda dowladda kor ugu qaadaya $14.3 trillion.

Madaxweyne Obama ayaa ku tilmaamay qorshahan heshiiska mid tanaasul laga sameeyay, kana hortagaya in dowladdu ay lacag weydo, balse uu dhanka kale si ba’an u yareynaya miisaaniyadda ay kharashgareyso dowladda.


Prof. Cabdirisaaq Xasan oo bare ka ah Jaamacadda Franklyn ee gobolka Ohio ayaa VOAdu weydiisay waxa lagu heshiiyey.

Wareysiga oo dhameystiran qeybta hoose ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG