Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Waraysi: Qoyska Mahdi Xaashi


Kaltuum Cabdullaahi Maxamuud iyo Maxamed Xaasho oo ah waalidka Mahdi Maxamed Xaashi oo loo haysto dacwado la xiriira argagixisada ayaa beeniyey in wiilkoodu ku lug leeyahay eedaha loo jeediyey.

Waraysi khaas ah oo ay siiyeen idaacadda VOA Somali ayey ku sheegeen in wiilkooda la waayey sannadkii hore, muddo bilo ahna uu maqnaa balse aan loo sheegin halka uu ku sugan yahay inkastoo ay caddaatay inuu gacanta ugu jiray dawladda Maraykanka oo muddo ku haysay dalka Jabuuti ka hor inta aan la keenin magaalada New York.

Waxay beeniyeen waalidku inuu ku lug leeyahay falal argagxiso, waxayna sheegeen in xarigiissa ay ka dambayso hay'adda sirdoonka Biritan ee MI-5 oo sida ay sheegeen kaga aargudanaysa kaidb markii uu diiday inuu la shaqeeyo.

Waraysiga oo uu qaaday Haaruun Macruuf ka dhagayso halkan hoose:

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:17:03 0:00
XS
SM
MD
LG