Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Minnesota: Soomaali Lagu soo Oogay Dacwad Argagixiso


Xeer Ilaaliyaha Guud ee Gobolka Minnesota Andrew Luger ayaa dacwad kusoo oogay laba nin oo asalkoodu yahay Soomaali oo lagu eedaynayo inay taageero u fidiyeen urur argagiso ah, ururkaasi oo ah kooxda ISIS ee la dagaalanta dalalka Siiriya iyo Ciraaq.

Labada nin ayaa lagu kala magacaabaa Cabdi Maxamuud Nuur oo 20 jir ah iyo Cabdullaahi Yuusuf oo 18 jir ah.

Labada nin ayaa lagu eedaysan inay shirqooleen inay taageero u fidiyaan urur argaixiso ah gaar ahaan ISIL oo sidoo kale loo yaqaanno magacyada ISIS iyo IS. Cabdi Maxmaudu Nur waxa kale oo uu ku eedaysan yahay inuuba taageerada u fidiyey kooxdaas kadib markii uu ku biiray.

Cabdullaahi Yuusuf waxa la filaya ain maanta 2-da duhurnimo xilliga Minnesota uu hor yimaado maxkamad ku taalla Gobolkaas.

Sida ku cad dacwadda lasoo gudbiyey Cabdullahai Yuusuf waxa uu iibsaday tikidh bishii May ee sannadkan isaga oo qorshaynayey inuu diyaarad ka raaco garoonka diyaaradaha ee Minneapolis una socday dalka Turkiga, waxayna sheegeen inuu tikidhka iibsaday iyadoo aysan waalidkiis ka warqabin inu safrayey.

Waxaa dawcadda ku qoran in Cabdullahai Yuusuf uu xiriir la leeyahay qof magaciisa lagu soo gaabiyey H.M oo hore u deganaan jiray Minnesota oo haatana ka dagaalamaya dalka Siiriya. Waxa kaloo lagu sheegay in kaarka bankiga ee lagu iibiyay tikidhada Cabdullahai Yuusuf iyo H.M. iyo weliba tikidhka qof saddexaad oo u safray markii dambe Siiriya uu isku mid yahay.

Sidoo kale Cabdi Maxamuud Nuur waxay sheegeen inuu dalkan ka baxay bishii May 29 keedii ee sannadkan, iyadoo ay ahayd inuu dalkan kusoo laabto 16-kii Juun balse uu soo laaban waayey.

Waxa la sheegayaa in Cabdi Maxamuud Nuur uuu xiriir la sameeyey dad ay ku xiriiraan Facebook uuna u sheegay inuu ku biiray “walaalihiisa”. Waxa lagu sheegay inuu sidoo kale xiriir la sameeyey Maxamed Cabdullahi Miski oo ka mid ahaa Soomaalida horey u tagtay Soomaaliya ee ku biiray ururka al-Shabab.

XS
SM
MD
LG