Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA: Sharciga isbeddelka caymiska caafimaadka


Aqalka Congress-ka Maraykanka ayaa ansixiyay sharci ogolaanaya in isbedel lagu sameeyo daryeelka caafimaadka Maraykanka

Wakiillada Congress-ka Maraykanka ayaa si dirqi ah ku meel mariyay sharci wax lagaga beddelayo habka caymiska caafimaadka, taasoo guul weyn u ah Madaxweyne Obama qorshayaashiisa arrimaha gudaha ee ahmiyada koowaad ugu jira.

Aqalka wakiilada oo ay aqlabiyadiisu haystaan Dimoqraadigu ayaa ku meel mariyay sharciga cusub ee Caymiska Caafimaadka ee uu horey Senate-ku uu soo ansixiyay, 219 cod oo oggolaansho ah iyo 212 oo diidmo ah. Tirada codadka loo baahnaa inuu ku meelmaro sharcigan ay ahayd 216.

Xubnaha Jamhuuriga ee mucaaraday waxaa ku biiray 34 mudane oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga oo iyaguna ku codeeyay diidmo. Madaxweyne Obama ayaa soo dhoweeyay ansixintaasi oo timid, ka dib

dagaal xagga siyaasadda ah oo uu la galay xubnaha Jamhuuriga. Tallaabadan ayaa noqoneysa isbedelkii ugu weynaa ee tobaneeyo sano lagu sameeyo habka caymiska caafimaadka ee dalkan Maraykanka.

Sharcigan ayaa loogu talogalay in caymis caafimaad ay ku helaan 32 milyan oo muwaadiniin Maraykan ah oo aan iyagu haysan caymis caafimaad. Qorshahan hirgalintiisa ayay u suurogali wayday madaxweynayaal ka horeeyay Obama.

Madaxweyne Obama oo hadal ka jeediyay aqalka cad wuxuu sheegay in sharcigan uu sidoo kale faa’iido u leeyahay dadka Maraykanka ee horey u haystay caymis caafimaad iyagoo iska hakinaya waxa uu ugu yeeray hab dhaqanka xun iyo xadgudubyada ay ku dhaqmayeen hay’adaha Caymiska.

Dadka ka soo horjeeda sharcigan ayaa ka digay inuu dhaawac u geysan doono shacabka Maraykanka iyadoo uu ku dalicin doono canshuurta, meeshana ka saari doono tayadii caymiska, dowladduna ay si qoto dher ay ugu lug yeelan doonto go’aamada caafimaadka.

Cabdiqaadir Maxamed Rooble oo ka mid ah xubnaha dimoqraadiga ee gobolka Minnesota, ayaa sheegay in ansixinta sharcigan ay guul weyn u tahay madaxweyne Obama iyo xisbigiisa dimoqraadiga. Sidoo kale Prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, oo cilmiga dhaqaalaha ka dhiga jaamacada Niagra ayaa sheegay in barnaamijkani uu qeyb ka ahaa balanqaad uu madaxweyne Obama sameeyay xilligii uu ku jiray ololaha doorashooyinka.

Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso, wareysiyo iyo warbixin ka hadlaysa meelmarinta sharcigan.

XS
SM
MD
LG