Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Unul: Turkey Ujeeddo Qarsoon kama laha Somalia


Af-hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Turkiga Selcuk Unal ayaa sheegay in doorka dawladda Turkiga ee Soomaaliya uu yahay mid muddo fog ah uuna leeyahay afar qaaybood oo kala ah; (1) kordhinta wacyiga beesha caalamku ka qabto xaaladda Soomaaliya, (2) Dib u dhiska Soomaaliya, (3) Gacan ka gaysashada xasilinta dhinaca amniga iyadoo la kordhinayo gargaarka bani’aadminnimo. (4) iyo inay gacan ka gaysato dadaallada lagu raadinayo xasillooni siyaasadeed.

Selcuk Unal oo waraysi siiyey idaacadda VOA ayaa sheegay in dawladda Turkiga ay martigelinayso shirka Soomaalida ee bisha Juun ayna la hadli doonto cid kasta oo danaynaysa arrimaha Soomaaliya, waxana uu sheegay in Turkigu sii wadayo gargaarka si ay ugu suurtogahso cid kasta ama qayb kasta oo wax ku leh waddanka inay wada hadlaan.

Afhayeenku wuxuu uu beeniyay in Turkigu qorshe qarsoon ka leeyahay Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG