Isku xirrada

War

Unicef oo ka Digtay Dhimashada Caruurta


Unicef oo ka Digtay Dhimashada Caruurta

Unicef oo ka Digtay Dhimashada Caruurta

Hay'adda Qaramada Midoobay ee Badbaadinta Caruurta ee Unicef, ayaa ka digtay dhimashada caruur Soomaaliyeed.

Mas'uul ka tirsan xafiiska gargaarka ee hay'adda Unicef ayaa walaac ka muujiyay xaaladda abaarta ka jirta dalka Soomaaliya, oo uu sheegay in haddii bilaha soo socda ay sidan sii ahaato in masiibadii ugu darnayd ka dhici doonto Soomaaliya.

Mowliid Aadan Warfaa oo ah xiriiriyaha hay'adda Unicef ee gargaarka ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa VOA u sheegay in caruurta deegaanada ay abaaruhu sida daran u saameeyeen ay si aad ah u dhimanayaan.

Mas'uulkaasi ayaa sidoo kale sheegay in qiyaasaha ay hayaan bilihii January ilaa May ee sanadkan ay tilmaamayaan in caruur gaareysa 460 caruur ah ay nafaqa darro u dhinteen.

XS
SM
MD
LG