Isku xirrada

War

UNICEF: Dhimashada Caruurta Soomaaliya


UNICEF: Dhimashada Caruurta Soomaaliya

UNICEF: Dhimashada Caruurta Soomaaliya

Hay'adda Qaramada Midoobay ee Badbaadada Caruurta ee UNICEF, ayaa sheegtay in caruur badan oo Soomaali ah ay u dhinteen nafaqo darri.

Hay'adda Qaramada Midoobay ee Badbaadada Caruurta ee UNICEF, ayaa sheegtay in caruur badan oo Soomaali ah ay u dhinteen nafaqo darri.

UNICEF ayaa arrintan kaga hadashay war saxaafadeed ay ka soo saartay xaaladda nafaqaddarida iyo abaaraha Soomaaliya sida ay u saameeyeen caruurta, iyo sida ay gurmadka uga geysaneyso.

War saxaafadeedkan waxaa lagu sheegay in caruurta sida daran nafaqo darridu u hayso ay 9 jeer kaga dhow yihiin dhimashada, kuwa caafimaadka qaba, iyo xitaa caruurta nafaqa darridoodu meesha dhexe tahay waxay khatar ugu jiraan ayaa la yiri, inay dhintaan.

Nafaqa darridu waxay galaafataa habsami u korrista ubadka, iyo horumarkuu sameyn lahaa, waxayna dhulka u dhigtaa cudur oo dhan.

Sidaasi darteed ayaa war saxaafadeedkan lagu sheegay in haddii ilmuhu uusan u dhiman nafaqa darri, inuu dhanka kale muuqal iyo maxkax ahaanba dhaawacmayo.

Sida lagu sheegay war saxaafadeedka, Unicef iyo dhinacyada ay wadashaqeeyaan waxay intii u dhaxeysay January iyo May, in ugu badnaan 800 oo xarrumo nafaqeyn ah oo ay ku leeyihiin gudaha Soomaalia ay ku daweeyeen inka badan 100,000 caruur aad u nafaqa darroobay. 460 ka mid ah tiradaasi caruurta ah, waxaa la soo sheegay inay dhinteen.

XS
SM
MD
LG