Isku xirrada

War Deg-Deg ah

UNHCR: Waan ka walaacsan nahay khasaaraha rayidka.


UNHCR: Waan ka walaacsan nahay khasaaraha rayidka.
UNHCR: Waan ka walaacsan nahay khasaaraha rayidka.

Hay’adda UNHCR ayaa sheegtay inay si weyn uga xun tahay dhimashada ku timid dadka rayidka ah ee dagaalladii dhawaan ka dhacay Muqdisho.

Afhayeenka UNHCR Melissa Fleming, ayaa sheegtay in wararka ay ka helayaan Muqdisho ay tilmaamayaan in adeegyadii caafimaadku uu sii dhamaanayo, taasina ay dhibaato ku tahay sidii loola tacaali lahaa dadka faraha badan ee dhaawacyadu ka soo gaareen dagaallada.

Melissa Fleming, waxay xustay inaan la aqbali karin in colaadda Somalia ay sii socoto, iyada oo aan la qadarinayn bad-baadada dadka rayidka ah, waxayna taasi si cad u jabinaysaa shuruucda caalamiga ah ee bini’aadanimo iyo kan xuquuqda aadanaha.

Afhayeenka UNHCR waxay ka codsatay kooxaha dagaallamaya inay ka baaqsadaan bartilmaameedsiga xarumaha dadka rayidka ah ee xaafadaha dadku ku badan yihiin ee Muqdisho, halkaasoo ay haatanba gabaad u tahay in ka badan 300. 000 oo barakacayaal ah.

afhayeenka Hay’adda UNCHR Melissa Fleming, waxay xustay in dagaalladii ugu danbeeyay ay barakiciyeen 500 oo qof, iyadoo ilaa sanadkan dagaallada Muqdisho ay guryahoodii ka barakiciyeen 100.000 oo qof, inta badan dadkaasi waxay u qaxeen xeryaha barakacayaasha ee agagaarka Afgooye.

Hay’adda UNHCR, waxay xaallada barakacayaasha ku tilmaamtay mid halis, waxaana taasi sii dheer iyadoo dagaallada sii socda ay halis iyo dhibaato ku yihiin howlaha hay’addaha samafalka ee deeqaha gaarsiin lahaa tobonaaanka kun ee u baahan gar-gaarka.

XS
SM
MD
LG