Isku xirrada

War Deg-Deg ah

UNHCR: Soomaalida yaan la masaafurin


UNHCR: Soomaalida yaan la masaafurin
UNHCR: Soomaalida yaan la masaafurin

UNHCR ayaa ugu baaqday waddamada Caalamka inaysan masaafurin dadka Soomaalida ah ee dalalkaasi ku dhex nool.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa ugu baaqday waddamada adduunka inay si khasab u mastaafurin dadka Soomaalida ah ee magangalyo doonka ah kuwaas oo naftoodu khatar gali karto haddii waddankoodii lagu celiyo.

Saraakiil hay’addan qaxootiga ka tirsan ayaa sheegay inay ka wel-welsan yihiin waddanka Sucuudiga Carabiya mastaafuriska uu Soomaalida u geysanayo.

Hay’adda qaxootiga ayaa sheegtay in Soomaaliya aysan ammaan ahayn. Saraakiisha Hay’adda ayaa sheegay in masaafuriska Soomaalida lagu hayo oo dhan la joojiyo iyadoo la qadarinayo xaaladda dhibta badan ee Soomaliya ka jirta.

La Xiriira

XS
SM
MD
LG