Isku xirrada

War Deg-Deg ah

UNHCR oo Muqdisho Geysay Mucaawino


Thousands of protesters gather for another rally at Taksim Square in Istanbul, Turkey, June 3, 2013.
Thousands of protesters gather for another rally at Taksim Square in Istanbul, Turkey, June 3, 2013.

UNHCR ayaa maanta diyaarad ugu horreysay oo siday 31 tan oo gar-gaar ah ka dajisay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho

War-saxaafadeed ay hay’addu soo saartay ayaa lagu sheegay in diyaarada maanta ka degtay Muqdisho ay siday in kabadan 31 tan oo gar-gaar ah. Gar-gaarkan ayaa isugu jiray baco, saliyada lagu seexdo, bustayaall, jirigaannada biyaha iyo qalabka wax lagu karsado.

UNHCR waxay sheegtay in diyaaradani ay tahay tii ugu horreysay ee ay Muqdisho u diraan, waxayna sheegtay inay xiggi doonaan laba diyaaradood oo kale oo gar-gaar geyn doona Muqdisho maalmaha soo socda.

UNHCR waxay gar-gaarka ay Muqdisho geyso u soo marin jirtay dhinaca badda iyo dhulka, laakiin kororka ku yimid tirada dadka ay abaaruhu barakiciyeen ayay hay’addu sheegtay inay go’aansatay inay mucaawinada ku geyso dhinaca hawada.

100 kun oo qof oo ay barakiciyeen abaaruhu ayaa gaadhay Muqdisho labadii bilood ee la soo dhaafay kuwaasoo raadinaya cunto, biyo, gabaad iyo gar-gaar kale. In kabadan 370 kun oo qof oo barakacayaal ah ayaa hore u joogay Muqdisho kahor intaysan bilaaban mowjaddahan barakacaha ah ee ay abaaruhu dhaliyeen.

Wareysi arrintaas ku saabsan qeybta hoose ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG