Isku xirrada

War Deg-Deg ah

UNHCR oo ka hadashay qaxootiga caalamka


UNHCR oo ka hadashay qaxootiga caalamka
UNHCR oo ka hadashay qaxootiga caalamka

Hay'adda UNHCR ayaa warbixin ay soo saartay uga hadashay tirada qaxootiga ka kala yimid Afghanistan, Ciraaq, Somalia iyo waddamo kale.

Hay'adda UNHCR ayaa warbixinta ay sanadkiiba marka soo saarto ku sheegtay in ilaa 15 malyuun oo qof ay haatan caalamka qaxootiga ku yihiin.

15-kaasi Malyuun ee hay'addu ay sheegtay ayaa waxaa ka mid ah 2 malyuun iyo 9 boqol oo kun oo Afghanistan ah, hal malyuun iyo sideed boqol oo kun oo Ciraaqiyiin ah iyo 680 kun oo Soomaali ah.

Warbixintu waxay qaxootiga Falastiiniyiinta ah tiradooda ku sheegtay 4 malyuun iyo 800.000 oo qof, balse waxaa qaxootigaasi ay hoos yimaadaan hay'ad kale oo ay Qaramada Midoobay ay leedahay.

Warbixintan ayaa waxaa lagu sheeggay in ay sanadkii hore ee 2009-kii ay wadamadoodii dib ugu laabteen qaxootigii ugu tirada yaraa ee dib ugu noqda dalalkoodii tan iyo sanadkii 1990-kii.
Hay'addu waxa aay sheegtay in ay sanadkaasi dib ay ugu laabteen dalalkoodii dad qaxooti ah oo ay tiradoodu ka badan tahay 251.000 oo qof.

Hay'adda UNHCR waxaa ay qaxooti u aqoonsan tahay oo kaliya dadka ka talaaba soohdimaha caalamiga ah ee wadamada kale magangalyada weydiista, balse waxaa warbixintan lagu sheeggay inay jiraan dad ay tiradoodu ka badan tahay 27 million oo qof oo ku barakacay gudaha waddamadoooda.

Dalka Somalia ayaa hay'adda UNHCR waxay sheegtay in sanadkan oo keliya ay ku barakaceen dad tiradoodda lagu qiyaasay 200.000 oo qof.

XS
SM
MD
LG