Isku xirrada

War Deg-Deg ah

UNHCR oo ka Digtay Dagaalada


UNHCR oo ka Digtay Dagaalada
UNHCR oo ka Digtay Dagaalada

Hay'adda Qaramada Midoobay ee Qaxootiga ee UNHCR ayaa ka digtay dagaalada inay caqabad ku yihiin gargaarka dalka Soomaaliya.

Hay'adda Qaramada Midoobay ee Qaxootiga ee UNHCR ayaa ka digtay dagaalada inay caqabad ku yihiin hawlaha gargaaka ee dalka Soomaaliya.

UNHCR ayaa sheegtay in ay diyaargarow ugu jirto in dhammaadka bishan ay gargaar gaarsiiso ku dhowaad 180,000 oo qof oo ku sugan Muqdisho iyo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Hase yeeshee waxay hay'addu sheegtay in ay ka cabsi qabto in dadaalkaasi ay majaxaabiyaan dagaalada ka socda magaalada Muqdisho.

Waxay kaloo UNHCR sheegtay in laga cabsi qabo in bisha September ay macluul daran ka dilaacdo gobolo kale oo ka tirsan Soomaaliya.

Dhanka kale, Hay'adda OXFAM ayaa ku dhaliishay dalalka deeq bixiyeyaasha ah, in jawaabtii deg degga ahayd ee laga filayay aanay ka bixineynin gurmadka abaaraha Geeska Afrika.

OXFAM oo fadhigeedu yahay magaalada London ayaa ugu baaqday deeq bixiyeaashu ay waajib ku tahay inay fuliyaan ballanqaadkooda gargaar ee ku wajahan Geeska Afrika.

OXFAM waxay kaloo sheegtay inay dooneyso in ay gargaar u fidiso dad gaaraya 3 milyan oo qof, hase yeeshee ay soo wajahday inay heli weydo $55 milyan oo doollar oo ay horey u dalbatay.

XS
SM
MD
LG