Isku xirrada

War Deg-Deg ah

UNHCR oo Dhaliishay Tarxiilka Soomaalida


UNHCR oo Dhaliishay Tarxiilka Soomaalida
UNHCR oo Dhaliishay Tarxiilka Soomaalida

Hay'adda UNHCR waxay dhaliishay tallaabada uu dalka Sacuudigu ku tarxiilayo Soomaalida qaxootiga ah iyo kuwa magangelyo doonka.

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa warbixin ay ka soo saartay xarunteeda weyn ee magaalada Geneva ee dalka Switzerland waxay kaga hadashay xaaladda Soomaalida laga soo tarxiilayo dalka Sacuudi Areebiya.

UNHCR waxay sheegtay in ay aad uga niyad jabsan tahay Soomaalida qaxootiga ah iyo kuwa magangelyo doonka ah ee laga soo tarxiilayo dalka Sacuudi Areebiya. Sacuudiga ayaa si joogta ah u tarxiila Soomaalida dibna ugu soo celiyaa magaalada Muqdisho oo ay dagaalo ka socdaan.

UNHCR waxay sheegtay in dagaalka aan kala soocida lahayn ee ka socda Soomaaliya uu geysanayo khasaare aad u baaxad weyn, dadkana ayaa lagu dilo, lagu dhaawaco, ayna ku guryo beelaan. Hay’addu waxay sheegtay in todobaad gudhiis tirada shacabka Soomaaliyeed ee lagu dilay laguna dhaawacay Muqdisho aysan xisaab lahayn.

Halista ka jirta Soomaaliya darteed ayay hay'adda UNHCR ka codsatay dowladaha caalamka inay ilaalin caalami ah siiyaan qaxootiga Soomaaliyeed ee magangelyo doonka ah, ilaa uu dalkoodu ka noqonayo dal xasiloon oo ay ku guryo noqon karaan.

Afhayeenka UNHCR Melisa Fleming ayaa sheegtay in ururada aan dowliga ahayn ee ay wadashaqeynta leeyihiin ee ku sugan gudaha Soomaaliya ay soo wargeliyeen in Soomaali badan laga soo tarxiilay Sacuudi Areebiya lagu daadiyay magaalada Muqdisho.

NGO-yadu waxay UNHCR u sheegeen in 1,000 qof laga soo tarxiilay bishii July oo kaleiya dalka Sacuudi Areebiya, iyadoo 1,000 kalena ay ka horreeyeen oo iyaguna laga soo tarxiilay dalkaasi.

Afhayeenka UNHCR waxay sheegtay in Sacuudigu muddo sanad ah uu bil walba 1,000 qof oo Soomaali ah si khasab dalkoodii dib ugu celinayay. Waxayna inta badan dadkaasi la tarxiilo lagu celiyaa gobollada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo ay Muqdisho ku jirto, goobahaasoo ay sheegeen inay dagaalo dartood uga carareen.

UNHCR waxay sheegtay in haweenka iyo caruurtu ay yihiin kuwa ugu jilicsan tarxiilkaasi, gaar ahaan waxay tusaale u soo qaadatay haweenay Muqdisho lagu wareystay oo tarxiilku uu kala gooyay iyada iyo caruurteeda. Haweeneydaasi ayaa sheegtay in la qabtay iyadoo ku sii jeeday suuq ku yaalla dalka Sacuudiga, ka dibna laga soo dejiyay Muqdisho iyadoo ay sidaasi ku kala go'een labo caruur ah oo aad u yar yar oo ay hadda ku sugan yihiin dalkaasi.

Sacuudi Areebiya ma ay saxiixin xeerka caalamiga ee qaxootiga ee sanadkii 1951-kii. Si kastoo ay tahayba, UNHCR waxay sheegeysaa in sababtaasi darteed aan looga cudur daaran karin in la iska indho tiro ilaaleynta ay u baahan yihiin dad dhibaateysan.

Hay’addu waxay soo hadal qaaday dhowr dal oo ku yaalla Bariga Dhexe oo aan saxiixin heshiiska qaxootiga, haddana ku isxaan fala inay badbaadiyaan oo ay magan geliyaan dad ka soo cararaya colaado.

Dagaalada dhimashada badan sababaya ee ka socda Muqdisho dartood, hay’adda UNHCR waxay ku boorineysaa mas’uuliyiinta dalka Sacuudi Areebiya inay ka tanaasulaan inay tarxiil dambe ku sameeyaan Soomaalida magangelyo doonka ah, iyagoo eegaya bani’aadamnimada.

XS
SM
MD
LG