Isku xirrada

War Deg-Deg ah

UN-ka oo Qiimeyn Ku Sameeyay Soomaaliya


UN-ka oo Qiimeyn Ku Sameeyay Soomaaliya
UN-ka oo Qiimeyn Ku Sameeyay Soomaaliya

Mas'uul sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaamay Soomaaliya in horumar laga sameeyay saddexdii sano ee u dambeysay.

Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Siyaasadda, Lynn Pascoe, ayaa sheegay in inkastoo caqabado dhanka ammaanka ahi ay ka jiraan Soomaaliya, haddana dowladda KMG ah ee Federaalka iyo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ay sameynayaan tallaabooyin wanaagsan oo ay dalka kaga saarayaan colaadda 20-ka sano jirsatay.

Isagoo war ka siinayay wariyeyaal ku sugan magaalada Nairobi booqasho uu ku tegay Muqdisho, ku xigeenka xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Lynn Pascoe ayuu wuxuu sheegay in waxa uu ku soo arkay Muqdisho aysan ahayn waxa inta badan ay warbaahinta caalamiga ahi ka sheegto ee ah taagdarri, dowlad aan wax qabad lahayn iyo ciidamo nabad ilaalin ah oo aan la oggoleyn.

Waxa uu sheegay in mucaaradka dowladda kmg ah iyo ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya ee loo yaqaan AMISOM, ay arki waayeen xoogaa horumar ah oo la sameeyay tan iyo sanadkii 2007-dii, markaasoo kooxaha Islaamigu bilaabeen dagaalka ay ku doonayeen inay ku afgembiyaan dowladda Qaramada Midoobay taageerto ee Soomaaliya.

Qiimeyntan ayaa daba socota booqasho hal maalin ah oo Mr. Pascoe iyo wakiilka cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga ay Muqdisho ku tageen.

XS
SM
MD
LG